Caqiidada qofka muslimka ah…qeybta 1-aad

Related Post

Qofka muslimka ah waa kan Aaminsan alle iyo rasuulkiisa iyo malaa’igta
iyo maalinta qiyaame iyo kutubtii alle usoo dhiibay Rasuuladiisa iyo
qadarta qofka kudhacda inuu rumeeyo iney ka ahaatay xag alle hadii ay
tahay kheyr ama shar labaduba.

Marka laga hadlayo hab dhaqanka muslimka, Qofka waxaa muslim dhab ah
lagu tilmaami karaa markii laga badbaado afkiisa iyo adinkiisa.
Waa maxay islaam?

Islaam waa isu dhiibida Alle si dhameystiran iyadoo lakliyeelayo loona
hogaansamayo, lagana fogaanayo in alle lala wadaajiyo cibaadadiisa wax
kale.

Waa maxay shirki?

Shirkiga waxa uu lid kuyahay islaamka, micnaha shirki waa in alle lala
wadaajiyo wax kale xaga cibaadada.

Ujeedka aan ujoogno dunida?

Ulajeedka uu alle noo abuuray ee uu noo aheysiiyey waa inaan isaga
caabudno oo aduunka ku camirno daacadiisa iyo uhogaansamidiisa.
Allaah.

Alle waa midka na abuuray ee na arzuqa ee haya xilliga dhimashada qof
walba waa xisaabiyaha adoomadiisa waa naxariis badane naxariistiisa
hareysay guud ahaan inta noole uu abuuray ee dunida dul saaran, waa
midka roobka keena ee noolayaasha barriga iyo bada irzaaqa, waa
dulqaad badane waa alle weyn oo awoodiisa aan lagu koobi Karin maskax
aadane, wuxuu ogyahay wixii muuqda iyo wixii qarsoon intaba, alle wuu
sarreeyaa oo carshiga dushiisa ayuu ku sugan yahay sarreyn isaga
uqalanta.

Hadaba hadii uu alle awoodaas leeyahay waxaa la inaga doonayaa inaan
adeecno oo wuxuu nafaray qaadano wuxuu naga reebayna ka harno iyadoo
nafteenu qanacsan tahay oo xasilooni xaga qalbiga kadarameeno, maxaa
yeelay alle wuu mudan yahay in la adeeco oo la raaco maadaama uu
ogyahay waxa qalbiga kujira iyo qofka dhibanaha ah iyo kan ladan
intaba.

Lasoco Qeybta Labaad

Leave a Comment